Portuguese Football Federation [FPF], ayaa xaqiijiyeen bixintaanka Santos. Bayaan kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri: FPF iyo Santos ayaa isku waafaqay in lasoo afjaro safarkii guuleed ee kasoo bilowday 23-Sep-2014.

“Kadib mid kamid ah ka qeeb qaadashadiisii ugu fiicneyd koobka adduunka ee Qatar, Xiriirka FPF iyo Santos ayaa fahmeen iney tahay xiligii ugu mudnaa ee mid walba nolol cusub bilaaban lahaa.”

“Waxey aheyd sharaf inuu qof macallin Santos oo kale ah hogaamiyo qaranka Portugal.”

“FPF waxey u mahad celinaayaan Santos iyo kooxdiisa farsamada, adeegii ey siiyeen in ka badan 8-sanno oo wax qaas aheyd, ayagoo aaminsan sidoo kale in loogu mahadceliyo dadka Portuguese ka ah.”

Nasiib wacan Fernando Santos.👏👏

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here