Feysal Cali Waraabe oo Ganafka ku Dhuftay wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland

0

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in caasimada dalka Jabuuti ka furmo wadahadalo ay yeelanayaan madaxda sare ee Dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hor yimid wadahada ay isugu imaanayaan Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .

Waxa uu sheegay Feysal Waraabe in wadahadalada lagu soo aadiyay xili dowlada hada ka jirta Soomaaliya waqtigeeda ka harsan yahay 7-bilood, waxa uuna tilmaamay in Farmaajo olole iyo dano siyaasadeed ka leeyahay wadahadalada xiligan lagu soo beegay.

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in mowqifka Somaliland uu yahay mid cad , waxa uuna cadeeyay in aan waxba laga bedeli karin lagana hor imaan karin gooni isugu taagooda.

“Waxa laga hadlayaa waa Midnimo, Somaliland Midnimo waa ka xaaraan, anaga Madaxweyne Muuse Biixi afkiisa ka maqalnay in Safiirka Mareykanka ninka la yiraahdo Yamamoto uu soo wacay uu yiri kulma ee ka hadla Midooba”ayuu yiri Feysal Cali

Ugu Dambeyn Feysal Waraabe ayaa sheegay hadii laga shaqeenayo midnimada Soomaaliya in Jabuuti iyana laga rabo in ay soo laabato qeybna ka noqoto Soomaali weyn maadama horey uga mid aheyn shanta Soomaali.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here