MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo dhawaan Ra’iisulwasaare Xamze balanqaaday in Xukuumadiisu dhagaxaanta ka qaadeyso wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa shalay waxaa talabo qaaday masuliyiin xilal ka haya Dowlada Soomaaliya.

Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Gudoomiye xigeenka dhanka siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mr Maxamed Diiriye Yabooh ayaa booqday wadooyin ay dhagxaan ku go’an yihiin.

Advertisement

Booqashada oo ah mid lagu qiimeynayo halka laga bilaabayo wado furista iyo sida ay amni ahaan u kala hor marinayaan.

Maalmaha soo socda ayaa si rasmi ah loo bilaabayaa wado furista inkastoo ay masuuliyiintu cadeeyeen in la kala hor marin doonto.

Talaabada ay sameeyeen masuuliyiintaan amniga iyo Maamulka Gobolka Banadir isugu jira ayaa u muuqda mid lagu fulinayo amarkii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre ee wado furista.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here