Waxaa goor dhawayd Duleedka Muqdisho ka dhacay qarax xoog leh gaar ahaan meel aan ka fogayn isgoyska Ex-Control Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Asluubta oo ku taalla inta u dhaxeysa isgoyska Ex-control iyo xaafadda Galmudug.

Qaraxa noociisa waxaa lagu sheegay inuu ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay derbiga xerada ciidamada Asluubta.

Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid culus, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa is-miidaamin oo gaariga qarxay uu waday qof naftiisa halige ah.

Sidoo kale ma jiraan Warar ku aadan Qasaaraha ka dhashay qaraxaan, balse waxaa jira Qasaare maadaama qaraxan uu ahaa mid culus, lamina ogaan karo Xiligaan qasaaraha.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here