Baladweyne (dayniiile.com)-wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku gacanta ku dhigeen gaari xamuul oo looga shakiyay in walxaha qarxaha uu sido.
Sidoo kale Ciidamada Amaanka Baladweyne waxay qabteen sedex nin oo gaarigaasi wadatay islamarkana iyaga laftooda lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin.
Inkastoo cadeyn rasmi ah aan wali la soo bandhigin hadana waxaa la soo bandhigay sawirka gaariga iyo dhalinyarada kaxeyneysay.
Dhanka kale Diyaarad siday dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho
dhaawacyadaan oo ahaa kuwii ugu darnaa ayaa tiradooda lagu kala sheegay 9 iaa 13 ruux kuwaasoo lagu wado in xaaladooda caafimaad lagula tacaalo Magaalada Muqdisho.
XAFIISA WARARKA
DAYNIIILE.COM