Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo kusoo jeeday Muqdisho oo la qabtay

0

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Gendershe oo hoostaga magaalada Marka ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan ciidamada qabteen oo nuuciisu ahaa Surf ayaa waxaa ku rarnaa waxyaabaha qarxa, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in gaarigan kusoo jeeday magaalada Muqdisho si weeraro loogu geesto.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa Warbaahinta ciidanka dowlada u sheegay in gaarigan qaraxyada ka buuxeen iyo ragii la socday gacanta ku dhigeen Ciidamada Danab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada ay heleen xogta gaarigan qaraxa laga soo buuxiyay kadibna fuliyeen howlgalka gaarigaasi iyo ragii la socday lagu qabtay, waxa uuna xusay in ciidamada kala fur fureen waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi saarnaa.

Ciidamada Danab ayaa howlaglo balaaran kawada gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidamadan dhawaan siyaabo kala duwan ula wareegeen deegaano iyo degmooyin Al Shabaab gacanta ku hayaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here