Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay howdka u dhaxeeya degmada Xarardheere iyo deegaanka caad, gaar ahaan aagga Bacadka Faarax Aadan iyo Deegaan.

Ciidamada huwanta ah ayaa halkaas dagaal xooganaa kula galay Al-Shabaab, waxaana Wasaaradda Amniga Galmudug sheegtay in howgalkaas lagu soo qabtay maxaabiis wata hubkii ay ku dagaallamayeen, waxeyna ciidamada la wareegeen furimihii lagu dagaallamay.

Ciidamada ayaa wali ku raad-jooga Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee la dagaalamay ciidamada huwanta ah, kuwaas oo khasaaro ku gaarsiiyay.

Madaxweynaha  Galmudug oo shir guddoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa dardargelinta howlgallada lagu xoreynaayo Galmudug ayaa ciidamada huwanta ah ku boggaadiyay kaalintooda naf-hurnimo iyo sida ay uga go’antahay ciribtirka Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here