Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in goor dhawayd lagu dilay Halkaas Muwaadin Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney uu dilkiisa waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinkaan la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu kuguda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Sidoo kale Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here