Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Wasiirka Amniga DG Jubbaland oo hoggaamiye u ahaa Wasiiro katirsan Dowlad-Goboleedkaas oo kormeyr qiimeyn ah ku sameeyay Dhoobley oo shalay Golaha Wasiirada Jubbaland u aqoonsadeen Degmo.

Wasiir Dhuumaal waxa sheegay in dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga ay horumar ka sameysay Dhoobley, Shacabka iyo maamulka ayaa ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tallaabooyinka lagu xoojinayo meelaha ay ka horumartay.

Dhuumaal ayaa tilmaamay in Dhoobley ay ballaaratay, marka la eego degmo ahaan waxa uu sheegay in ay u qalanto maadaama lagu dedaalay sidii loogu heli lahaa aqoonsi rasmi ah oo ugu dambeyn 23ka June 2022 loo helay.

“Waxa aan kormeyr ku sameynay Dhoobley oo Degmo loogu aqoonsaday Shirka Golaha Wasiirada, runtii waxaa ka muuqda Horumar, marka la eego dhinaca Ganacsiga sida Shidaalka iyo magaalada oo baaxadeeda fiday, markii igu horreysay ee aan imid waxa ay ahayd 1985tii, imaatinkeygii labaad waxa ay ahayd 2011-2012 oo aan ka shaqeynayay la dagaalanka Nabad-diidka” Gen. Dhuumaal, Wasiirka Amniga DG Jubbaland.

Dhoobley waxa ay kamid tahay Magaalooyin uu ku xooggan yahay Maamulka Jubbaland, Muddooyinkii dambe waxaa ka socday kulamo intooda badan looga hadlayo sidii loogu aqoonsan lahaa “Degmo” oo ugu dambeyn Wasiirada Jubbaland u codeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here