Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

Advertisement

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

2. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka

3. Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta
4. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay sidoo kale ka doodaan ajandayaal dhowr ah halka kuwo kaleย  ansixiyaan.