Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada kaas oo ka dhacay hoolalka shirarka ee Xukuumadda.

Golaha Wasiirada ayaa todobaadkaan shirkooda ku meel mariyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabeynta Maaliyeed ee Cayiman, kaas oo lagu dhaqmaya dadka lagu tumo maalgalinta waxa loogu yeero argagaxisada iyo hindise Maaliyadeed ee Khayraadka dhulka hoostiisa.

Hindise Maaliyadeed ee Khayraadka dhulka hoostiisa ayaa maamuli doona nidaamka maaliyadeed ee qodista qeyraadka dhulka Hoostiisa, taas oo soo saaristiisa lagu qeexay sharciga batroolka, oo tirsigiisu yahay; Sharci Number 19aad iyo xeerka qodista Macdanta ee tirsigiisu yahay Number 7 oo soo baxay 9-kii January 1984-kii.

Labadaan Hindise sharciyeed ayaa Golaha Wasiirada waxaa horgeesay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyada oo uga mahadcelisay Golaha Wasiirrada meel marinta shuruucdaan, kuwaas oo la filayo in la hor geeyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15 November 202-ka khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga labaad ee labada Aqalka BFS ayaa Mudanayaasha labada Aqal ka codsaday in ay meel mariyeen shurcuuda ay Xukuumadda u soo gudbin doonta Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here