Goodax: Rooble wuxuu u dhaqan egyahay Ra’isulwasaarihii ugu dambeeyay dowladdii Kacaanka Maxamed Xawaadle Madar, waayo wuxuu rabaa sidii Xawaadle Madar dowlad aan jirin oo dhacaysa inuu xafiiskeeda iska sii joogo.

Xusuusin: Maxamed Xawaadle Madar wuxuu ahaa ninkii uu Maxamed Siyaad Barre(AUN) u magacaabay Ra’isulwasaare dhamaadkii 1990 mar uu wadankii oo dhan gacantiisa ka baxay xitaa Muqdisho amnigeedu qalqal galay, dowladdii Kacaankana ay sakaraad ahayd naftuna ka bixi rabtay.

Xildhibaannada xoogga lagu soo saaro marka hore waxay sheegtaan taageerada Madaxwaynaha xilka haya taasoo ay uga baahan yihiin kharash iyo awood si ay kursiga u helaan, laakiin markii la doorto waxay la yimaadaan qorshohooda doorasho ee gaarka ah oo ah inay doortaan hogaamiye maamul degan oo ay ka macaashi karaan muddada ay xildhibaannada yihiin, waxaa kaloo la hubaa inaysan doorashada Madaxwaynaha xisaabtankeedu ka duwanaado mar walba qaabka lagu soo doortay xildhibaanka, waayo ma jiro Xildhibaan isku aaminaya dowlad aan salka dhigan karin !

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here