Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa fasaxay natiijada kursiga tirsigiisu yahay HOP#140 kaas uu ku soo baxay Cabduqaadir Maxamed Cosoble Cali.

Doorashada kursigaan ayaa la qabtay 11 April 2022 ayada oo doorashadiisu ay ka dhacday Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa helay 76 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa  Cabdikariim Tifow uu helay 22 cod, waxaa hallaabay 3 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle.

Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ah musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Cosoble ayaa ku fadhiyay kursigaan 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa la filayaa in uu qaato shahaadada Rasmiga ee Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu uga qeyb noqdo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta la dhaarinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here