Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobollada Woqooyi (Somaliland) Khadar Xariir Xuseen in labada todobaad ee soo aadan ay bilaabi doonaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u fududaayay dhammaan howlihii loo baahnaa si deg deg ah loogu qabto doorashada xildhibanada Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa xusay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay waddeen kormeero ay ku sameeyeen goobaha loogu tala galay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaanada Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in labada todobaad ee nagu aadan in rajo laga qabo in si deg deg ah loo hirgaliyo doorashada ayna soo baxaan xildhibaanadii ugu horreeyay ee golaha Shacabka.

Go’aanka Gudoomiyaha ayaa yimid ka dib markii maanta Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomay kulan u dhaxeeyay Madaxda xil saaray doorashada Somaliland iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here