Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta bilaabi doona diwaangalinta iyo Shihaado siinta xildhibaanada cusub ee golaha Shacabka laga soo doortay maamul goboleedyadda iyo gobolka Benaadir.

Shihaado siinta xildhibaanada ayaa ka dhacaysa Hoteel ku yaalla gudaha Garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho halkaasi oo si weyn loo adkeeyay ammaankeeda.

Guddiga ayaa sidookale ugu baaqay xildhibaanad ka maqan dalka in ay si deg deg ah kusoo gaaraan magaalada Muqdisho si loo siiyo Shihaadada xildhibaano.

Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Galmudug iyo gobolada Waqooyi ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana maanta ay noqon doonaan xildhibaanada ugu horreeya ee Shihaadada qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here