Warsaxaafadeed

Guddiga Fulinta Ururka shaqaalaha Dowladda oo maanta shir deg deg ah ka yeeshay warqada sumadeedu tahay W/G/W/XW/044/2022 kuna taariikheysan 01/11/2022 ujeedeeduna ahayd Kala dirid shaqaale KMG ah ee aan guno qaadan kana soo baxday Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha XFS

Ururka shaqaalaha Dowladda oo gudanayo.waajibaadkiisa ugu weyn oo ah ilaalinta Xaquuqda iyo Sharafta Shaqaalaha Isla markaasna cuskanayo dastuurka dalka oo damaanad qaadayo xaquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed ayaa waxaan soo.saarnay qodobadaan hoos.ku xusan

1 Ururka Shaqaalaha Dowladda waxa uu walaac iyo.dareyn xoogleh ka muujinayaa talaabada ay qaaday wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha XFS

2 Ururka waxa uu qirayaa in muwaadiniintaas yihiin shaqaale kmg ah xaqna u leeyihiin in dalkooda iyo.dadkooda u shaqeeyaan Lana shaqaaleeyo maadaama daruufo adag ku shaqeeyaan shaqaalaha kmg ah

3 Ururka shaqaalaha waxa uu ka codsanayaa madaxda qaranka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada iyo.guddiga qaranka ee shaqaalaha Rayidka ee Dowladda in arrintaan soo faro geliyaan go’aan sharci ahna u helaan muwaadiniintaan

4 Ururka shaqaalaha waxa uu diyaar u yahay in uu qeyb-ka qaado.xalinta arrinta shaqaalahaan

Balanteeno waa ilaalinta xaquuqda shaqaalaha

Mahadsanidiin

Maxamed jaamac Yuusuf
Xoghayaha Ilaalinta Xaquuqda iyo Waajibaadka.Shaqaalaha Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here