Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshau kulankii ugu horreeyay Guddiyada doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la magacaabay maalintii shalay.

Kulanka Guddiga Doorashada Guddoonka labada Gole ee BFS ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Kumeel Gaarka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaga oo ay goobjoog ka ahaayeen Xogheynta labada Gole.

Kulanka Guddiga Doorashada Guddoonka labada Aqal ayaa looga hadlay xeerka doorashada guddoonka labada gole iyo xeerka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo doorashadiisa ka dib doorashada guddoonka labada Aqal.

Guddiga ayaa kulankooda ku go’aamiyay in labada Gole ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan fadhi wada jir ah, kaas oo ay ku ansixinayaan xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal iyo tan Madaxweyaha Soomaaliya.

Dhanka kale fariin ka soo baxday Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu farray dhammaan mudanayaasha labada gole, in maalinta berri ah ay isuyimaadaan xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo lagu wado in uu ka dhacayo kulanka wadajirka labada Gole.

Qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa lagu yiri sida tan Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin  ah Tariikhdu tahay 18 April, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Agendaha; Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha iyo Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka”

14 April 2022 ayaa la dhaariyay Xildhibaannada labada Aqal ayaga oo durbadiiba bilaabay doorashada Guddoomiye KMG, kulanka 1aad kala fadhigiisa 1aad ayaa labada gole ku shaaciyeen Guddiga doorashada Guddoonka labada Aqal. Labada Guddi ayaa la filayaa in ay soo wada saaraan jadwalka doorashada Guddoonka labada Aqal ee BFS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here