Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa daarnaa salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sida hufnaanta laheed ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare ee BFS.

Qoraal ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa lagu yiri “Danjire Axmed Maxamed Saalax Almuwallad ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha JFS.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Danjiraha dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya JFS Axmed Maxamed Saalax Almuwallad ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal (Soomaaliya iyo Sacuudiga), sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaank Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa 27 April, 2022 loo doortay markale Guddoomiyaha Aqalka Sare, asiga oo ku soo baxay doorashada Wareega koowaad xilli ay la baratamayeen labo musharax oo kala ah Wasiirka Warfaafinta XFS Senator Dubbe iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka XFS Saalax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here