Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray Munaasabad lagu soo bandhigayay Qorshahaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 2022/2026.

Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada ee XFS, Xildhibaano ka tirsan Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Marti Sharaf kale.

Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur ayaa ka warbixiyay Qorshaha Horumarinta Gobolka Banaadir ee Sanadaha soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada iyo hey’addaha deeq bixiyaasha ah in ay maamulka Gobolka ku garab istaagaan horumarinta Waxbarashada

.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here