Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xassan Manuur ayaa Maanta guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Marka oo ah Xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaah gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Marka loogu Magacabay Cusmaan Muuse Maxamed, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow oo qarax Ismiidaamin ahaa lagu dilay 27-kii Bisii July ee sanadkan 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here