Wararka ka imaanaya caawa Magaalada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in goor dhawayd oo caawa ah afurkii kadib lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, kadib markii lagu Hoyga uu ka dagan yahay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in afurkii kadib ay Koox ku hubeysan Bambaanooyin ay ku weerareen hooyga uu guddoomiyihii Leego ka deganaa degmada Wanllaweyn.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu halkaas ku geeriyooday Gudoomiyaha iyo laba askari, halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Sidoo kale Illaa hadda ma jirto cid la shaaciyey in loo soo qabtay weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here