Advertisement

Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafdi xildhibaano ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub.

Advertisement

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xalada guud ee Soomaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Xil. Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugida Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgalada amniga iyo ladagaalanka argigixisada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here