Waxaa xalay mar kale fashil kusoo dhamaaday waan waan laga dhax waday Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii labada dhinac soo bandhigeen shuruudo ay isku fahmi waayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaana inta badan lagu eedeeyay masuuliyada fashilka waan waanta ay wadeen Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana Farmaajo soo bandhigay shuruudo ku adkaatay in uu aqbalo Ra’isul Wasaare Rooble.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan rabin wadahadal iyo isu tanaasul, waxa uuna u mahad celiyay Rooble uu sheegay in uu sameeyay tanaasul badan si xal loo helo.

”Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah sameeyo, odaytinimana muujiyo, waa ku mahadsan yahay RW Rooble inuu muujiyey wax kasta oo tanaasul ah si xal loo helo ama dadka dadaalada wadahadal waday ay u soo quustaan.” ayuu yiri Musharax Guudleed.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay masuuliyiintii waday waan waanta in ay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diidan, waxa uuna ugu ka codsaday masuuliyiintaasi inay garab istaag buuxa u muujiyaan Raisu wasaare Rooble.
Musharax Guuloeed ayaana kula taliyay Ra’isul Wasaare Rooble in uu horey u socdo uuna dar dargaliyo doorashada uu tilmaamay in ay tahay wada kali ah ee isbadal keeni karta laguna samatabixin karo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here