Digreeto kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha gobolkaan caawa ayaa lagu magacaabay maareeyayaasha garoomada degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere.

Wuxuu Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xilaalki ka qaday Mareyayasha kala ah

1. Mahad Carab Qeys waxa lagu badalay Diiriye Garane Xasan oo noqonayo maareeyaha cusub ee Garoonka Degmada Doloow

2. Saajin Dhaqane waxaa lagu badaly Maxamad Qorane Cumar (Dhabarey) oo noqonayo maareeyaha cusub ee Garoonka Degmada Luuq.

3. Jaamac Cali Cabdi waxaa lagu badalay Cismaan Daahir Cabdile (Qooryarey) oo noqonayo maareeyaha cusub ee Garoonka Degmada Baardheere.

Dhamaan laamaha amniga waxaa la farayaa in ay la shaqeeyaan maareeyayaasha cusub ee Degomooyinka Doloow,Luuq iyo Baardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here