Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa qaabilay maanta Wafdi ka socday hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, kaas oo uu hoggaaminayay Madaxa hay’addaan xafiiskeeda Soomaaliya Mudane Charles Mballa.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; ka shaqeeysiinta iyo howlgalinta xarunta tababarada farsamada gacanta ee hay’adda SoDMA, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee soo wajaha dadka barakacayaasha ah ( IDPs) sida u helidda hoy iyo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah iyo caawinta dadka u nugul musiibooyinka inta aysan soo barakicin si loo yareeyo Qoysaska ku jira xeryaha barakacaasha.

Madaxa UNHCR xafiiskeeda Soomaaliya Mudane Charles Mballa ayaa hay’adda SoDMA ku ammaanay hormarada ay gaartay muddada gaaban ay jirtay, iyagoo ku ballamay labada dhinac dardargalinta howlaha socda, iyo dhisidda guddi farsmo oo ka shaqeeya hormarinta iyo nidaamka labbada hay’addod.
May be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 10 people and suitMay be an image of 2 people and suitMay be an image of 4 people, people studying and newsroomMay be an image of 4 people and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here