MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Ex Digfeer ayaa maanta wax laga weydiiyay sida ay ula tacaaleen dhaawicii dabka ka soo gaaray luul C/qaadir inteysan geeriyoon taasoo uu ku eedeysan yahay inuu gubay ninkeeda Sayid-Cali oo mar kale maanta maxkamada racfaanka ka soo muuqday.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa su’aalo weydiiyay laba dhaqtar oo midi ahaa dhaqtarka qaliimada guud Dr.C/Xamiid Maxamed Cali iyo dhaqtaradii Amergenc-ga ku qorneyd Dr’s. Idil Xirsi Cali oo markii ugu horeysayba bukaanka qaabishay.

Advertisement

Labada dhaqtarba waxay cadeeyeen in Luul C/qaadir Allaha u naxariistee jirkeedu soo gaaray dab xoog leh %90 islamarkaana bareesharkeedu aad hoos ugu dhacay.

Dhaqaatiirtu waxay cadeeyeen in madaama ay uur lahayd ay awoodi waayeen inay caloosha kumbuyuutar ka saaraan dabka gubay caloosheeda darteed balse taas badalkeeda ay isticmaaleen kaamiro hoos laga geliyay.

Kaamirada ayaa lagu ogaaday inay lahayd uur dhowr todobaad ah.

Labada dhaqtar waxay sidoo kale cadeeyeen inay Luul miir qabtay markii la geynaayay isbitaalka balse maalmo kadib ay  geeriyootay.

Guud ahaan ujeedka su’aalo weydiinta dhaqaatiirta ayaa daba socota baaritaanka loogu jiro in cadeymo loo helo Sayid Cali oo ku eedeysan inuu xaaskiisa dab ku dilay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here