Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Banaadir Dhanka Maaliyada Ibraahim Dheere oo Baaritaan uu Hanti Dhowrka Qaranka kuwaday iyo isagoo Dàlka isaga baxay

War hada naga soo gaaray Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maal mahaan baaritaan dhanka Maaliyada ku socotay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Banaadir Dhanka Maaliyada Ibraahiim Mahadale oo ku maga dheer Ibraahib Dheere


Ibraahin Dheere ayaa xilkaan haayey dhowr Bil iyadoona inta uu haayey Qasnada Gobolka Banaadir ay ka maqan tahay Halmalyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Doolar waxaana Bilwaaday Baaritaan ah halka lacagahaas ku maqan yihiin

Hanti Dhowrka Qaranka ayaa maal mahaan ka waday Xarunta Gobolka Banaadir Baaritaan la xariira halka ay lacagahaasi ku maqan yihiin taa oo keentay in uu qal qal Soo galo Ibraahi Dheere safar aan la shaacina uga baxo dalka isagoona u dhoofay dalka Etoobiya uu kaga sii aadi doono wadanka Ingariiska uu daganaa

Macada in uu Baxsad yahay waloow shakiga Keentay waxa isku aadiyey Safarkiisa iyo Baaritaanka lagu haayo maamulka Gobolka Banaadir

Warkaan ayaa waxaan ka helay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir kuwaa oo ka gaabsaday in aan shaacino magaciisa waloow la xariirnay masuuliyiinta Gobolka Banaadir oo aan heli weynay si aan warka uga xaqiijisano

Horay ayaa waxaa isku casilay Agaasimaha Dhanka Maaliyada Gobolka Banaadir kaa oo sheegay in Qanada Gobolka Banaadir ka maqan tahay lacago badan oo cadeen loo heynin

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064