R-wasaare Rooble ayaa goor dhaw dhameeyay khudbad jeedintiisii Baarlamaanka ee uu kaga hadlayay wax qabadka xukuumada 100 maalin ee ay jirtay.

Gudoomiye Murasal ayaa umuuqday mid qaatay talo soojeedintii Midawga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka, taasoo ahayd inaan la isku dayin mudo kordhin ay Xukuumadu dalbato.

Murasal ayaa uga digay Rooble intii aanu khudbada bilaabin, inaanu jeedin khudbad aan ahayn midii horay loogu qaybiyay xildhibaanada.

Hadalkaas ayaa umuuqday inuu jiray tuhun ah in Rooble sababta uu u dalbadayb inuu baarlamaanka horyimaado ay ahayd kashaqaynta mudo u kordhinta madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Rooble waxaa ka muuqatay hadal jeedintiisu khal khal badan, mar wuxuu ku tilmaamay Jamhuuriyadda dimuquraadiga Somaliya, isagoo iloobay in magacaas uu ahaa magiicii looyaqiinay xiligii Xukuumadii kacaanka, sidoo kale magaalada dhuusamareeb wuxuu dhawr mar ku magacaabay labo magac Dhuusamareeb iyo Samareeb.

Gud. mursal ayaa ku tilmaamay Rooble R-wasaare ku dhiiraday inuu wax qabadkiisa Baarlamaanka ugudbiyo, laakiin Rooble khudbadiisa malahayn nuxur badan oo wax qabad ah, in kastoo uu balanqaadayay in doorashooyinka ay dadaal badan gelin doonaan.

Gabagabadii khudbada Rooble waxaa Makarafoonka laga maqlay isagoo leeh saw kumaqancin, taasoo wali ay is waydiinayasn cida uu ula jeeday.

Baarlamaanka ayaa laxiray khudbadii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here