GUURRE “FSAN maanta waxay mareysaa boqoradda dalkan Holland haddii ay casho dhigayso magaceena waa ku jiraa” [WAREYSI]

0

Isniin, 15 June [Dayniile Online] Maxamed Cusmaan [Guurre] waa guddoomiye ku-xigeenka dallada FSAN, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan 62 ururo Soomaali ah oo ka diiwaangashan dalkan Nederlands.

Ka sokow, dallada FSAN Maxamed Cusmaan wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka u ololeeya adkaynta dowladnimada Soomaaliya, waxaanna wareysi lala yeeshay oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, u dhacay siddatan:-

 

SU’AAL: Goorma ayaa la aasaasay dalladda FSAN, imisa urur ayaa ku middeysan, maxay se tahay hadafka iyo baahida loo aasaasay.?

 

GUURRE:   Qaran-jabkii innagu dhacay 90-meeyadii, wuxuu sababay in dad badan ay dalkii ka soo qaxaan, waxaa dalkan u soo qaxay, magangalyo-na waydiisyay Soomaali tiro badan, waxaa soo baxday baahi 2 geesood ah, taas oo aheyd, dowladda Holland meel ay kala xiriirto  dadkan dalkeeda yimid iyo Soomaalidii xilligaa joogtay oo qudhooda dareemay baahida ay u qabaan iyaga oo aan iskala qoqobin oo wata magac Soomaaliyeed in ay helaan xiriirka dowladda NL. Markii ay Soomaalidii isu timid, waxay isla qaateen in iyaga oo middeysan ay dallad samaystaan, sidaas ayaanna lagu aasaasay FSAN 1994-tii.

 

SU’AAL:  Doorashadda xilalka sarsare ee dalladda siddeey u qabsoontaa.?

 

GUURRE: Dalladda FSAN waxaa ku middeysan 65 ururo Soomaali ah, saddexdii sanno mar shiraan, waxaanna la doortaa hogaan. Urur kasta cod buu leeyahay, waxaa la magacaabaa guddi doorasho, dad baa isi soo sharaxa, waxaana qaata qofkuu ILLAAH calaf ugu daro.

 

SU’AAL:  FSAN kaalin sidee ah ayeey kaga jirraa horumarka dhaqan dhaqaale ee mushtamaca Soomaalida.?

 

GUURRE: FSAN door aysan ciddina buuxin karin ayeey kaga jirtaa kaalinta dhaqan dhaqaale ee Soomaalida, waxay sameysaa wacyigelin dhanka shaqada ah, dhalinyarada waxaan ku dhiiragelinaa in ay waxbarashadda iyo shaqadda isku wadaan, qofkii hami ganacsi uu ku jiro waxaan siinaa tallooyin iyo tilmaamo muhiim ah, markii aan waddanka nimid Soomaalidu waxay u badnayd kuwa lacagta cayrta ah qaata, waxaan ku dedaalnay intii karaankeena ah inaan dadka wacyigelino, oo hadda waxaa soo badanaya oo aad arkeysaa qoys dhan oo wada shaqeynaya, aabihii, hooyadii iyo caruurtii, gabdhaha iyo hooyooyinka qudhooda waxaan ku dhiiragelinaa intaad guriga fadhin laheyd waqtigaaga ka faa’idayso wax un kororsada.

 

SU’AAL: Warbixinno sannadihii ugu dambeeyey ka soo baxay hay’ado cilmi baaris ku sameeya sida ay dadyowga ajnabiga ahi ugu faaídeysteen fursadaha dhanka waxbarashada, shaqada iyo horumarka nololeed ee bini’aadamku sameeyo Soomaalida waxay ku jirtaa halka ugu hoseeysa, maxaa u sabab ah ayeey kula tahay dib u dhaca intaas la’eg.?

 

GUURRE: Arrintaas mas’uuliyadeeda FSAN wax bay ku leedahay, waana in ay FSAN qaadataa, sababta ay u qaadeyso waxay tahay; FSAN wax badan bay ku guuleysatay in ay dadka baahidooda wax  ka qabato, waxaa jiro hay’ado wax baara, oo adigii xog-ogaalka u ahaa dadkaaga inta ku garab mara wax iska qooshanaya, hadhowna ku leh waxaan samaynay baaritaan cilmi ku dhisan, waa nin kombiyuutar meel la fadhiya oo wuxuu doona qoraya, 3 sanno ka hor ayaan go’aansanay FSAN in ay ka guurto urur caadi ah ayna noqoto hay’ad cilmi baaris oo taqasus ku yeelato, in dhibaatooyinka Soomaalida haysata ay si cilmiyeysan u baarto, waxaan ku guuleysanay in ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacaha dhigta in ay meel isugu keento, sidoo kale ganacsatada in ay meel isugu yimaadaan, dhaqaatiirta Soomaalida ah sidoo kale, qayb waliba marka laga hadlayo in xafiiskooda la waraysto.

 

SU’AAL: Marka laga hadlayo waxqabad, muxuu noqon karaa [Legacy]  lagu xasuusan karo FSAN.?

 

GUURRE: FSAN waxaa lagu xasuusan karaa inay tahay hay’ad Soomaalida oo dhan metesha, methaal aan ku siiyo, nin madax ah ayaa inoo imaanaya reerkiisa u tegi maayo wuxuu soo marayaa FSAN, kaddib FSAN waxay abaabuleysaa shir ay isugu yeerayso Soomaalida, teeda kale, dowladda Nederlands haddeey tahay iyo haddeey tahay hay’adaha caalamiga ah cid kasta ba FSAN waxay u taagan tahay in ay ka jawaabto wixii dalkeena quseeya.

SU’AAL:  Dhaliilaha la idiin jeediyo waxaa ka mid ah; in waxqabadkiinu ka hooseeyo halkii la idinka filayey, marka loo eego dhowr iyo 20-kii sanno ee dalladu ay jirtay iyo idinkoo aydnaan wax badan kala socon dhibaatooyinka bulshadiina haysta, waxqabadkiinu na uu noqday inta dadka aad qaaraan ka uruurisaan aad shirar un qabataan, ee aydnaan si hoose dadkiina ula socon.?

 

GUURRE: Wixii dhaliil ah ee na qabta iska leexin mayno, eedaha na loo soo jeediyey waxaan qaadanaynaa wixii qalad ah ee innaga dhaca, far keligeed fool ma dhaqdo, shalay meeshii aan joognay maanta meel ka fiican ayaan joognaa, FSAN maanta waxay maamuleysaa in qasnadeeda ay ku jirto mashaariic nus milyan gaareysa.

 

SU’AAL: Lacagaha mashaariicda ah ee la idin siiyo maxaad ku qabataan.?

 

GUURRE: Waxaa ku qabanaa mashruuca dalkan ugu wayn ee gudniinka, sidoo kale mashaariicda aan qabanayo waxaa ka mid ah is-dhexgalka “integratie”  FSAN maanta waxay mareysaa  boqorada dalkan Holland haddii ay  casho dhigeyso magaceena waa ku jiraa, wasaaradaha dalkan wadashaqeyn ayaa la leenahay, haddana dadku waxay u badan yihiin kuwa ku shaqeeya  iskaa wax u qabso, mustaqbalka  waxaa rajeyneynaa FSAN in ay shaqaale badan yeelato.

 

SU’AAL: Dadka qaar waxay qabaan in FSAN ay  tahay dallad hogaankeeda ay isu dhiibaan shaqsiyaad koobban, oo saaxiib ah, isku dan ah,  kuwaas oo magaca Soomaalida ku maxaabsada balse ujeeddada ay ka leeyihiin ay tahay in ay danahooda gaarka ah u isticmaalaan matalaada Soomaalida, doodaasi maxaad kaga jawaabaysaa.?

GUURRE: Walaal doodaasi waxba kama jiraan waaye, 3dii sanno waxaan qabaa doorasho oo qof kastaba uu xubin ka ah dallada uu xaq u leeyahay inuu tartamo,  dabcan haddii wax na laga sheego dhihi mayno siddee wax la inooga sheegay.? Waxaan  leenahay hannaan xisaabeed qoran, wax waliba na ay ku cad yihiin, tillaabo kastaba iyadoo aanu mugdi ku jirin ayaa la arki karaa.

SU’AAL: Waxaa jirta in ururada doorashada ka qeybgeli kara ay yihiin oo keliya kuwa bixiya qaaraan sannadkeedkaa, ururada in ay iska bixiyaan qaaraanka awoodi karana waa ururo kooban, marka sow lama oran karo tiro yar ayaa codeyneysa.?

GUURRE: Haddaad rabtid inaad cod yeelatid waai naad bixisa gunno, taas oo ah mid aad u yar, haddana haddii ururadu lacag soo geli wayso xittaa kuwa cudurdaar bixiya cod ayeey heli karaan, sannad walbana way sii korortaa inta cod yeelaneysa.

 

SU’AAL: Dalkan waxaa ka dhisan hay’ado iyo ururo qayb wayn ka qaata isdhexgalka, wacyigelinta iyo horumarka mushtamaca Soomaalida, waxaa hay’adahaasi ka mid ah, HIRDO oo sannad kasta 2 jeer qabata tartamo isboorti oo ay ka soo qaybgalayaan kumanaan kun Soomaali ah oo ka kala yimaada gudaha dalkan iyo dibediisa, dad badan waxay qabaan in Hirdo ay Soomaalida kaga waxtar badan tahay FSAN, ma jiraa xiriir iyo wada-shaqeyn idin kala dhaxaysa hay’adaas iyo kuwa la midka ah.?

GUURRE:  Waxaan la dhacsanahay magac iyo sharafta ay leedahay HIRDA, balse, dadka waxaa isaga qaldan FSAN iyo HIRDA, FSAN waxay leedahay wax ay ku socoto, annagu banooni shaqo kuma lihin, HIRDO 25tii sanno tartamo isboorsi qabaneysay.

 

SU’AAL:  Laakiin Hirdo waxqabadkeedu tartan keliya kuma koobna, waxay si joogta ah mashaariic iyo tababaro  kaga fulisaa Soomaaliya, sidoo kale, halkan Holland waxay ka sameysaa kulamo caalami ah iyo kuwa Soomaalida dhexdeeda ah oo wacyigelin u badan, marka ma la leedihiin iskaashi iyo wada-shaqeyn.?

GUURRE: Xiriir fiican ayaa nagala dhexeeya HIRDA, Faadumo [Agaasimaha Hirda] waxay nagala qeybqaadataa shirarka muhiimka ah haddeey tahay kuwa aan la yeelanayno hay’adaha dowladda Nederlands iyo kuwa dalkeena wax loogu qabanayo.

 

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here