Sida hore idiinku sheegay waxaa sii xoogeysanaya caawa wararka sheegaya in Villa Somalia ay damacsan tahay xilka qaadista Col. Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Guux weyn ayuu arintaan geliyey dalka hadii ay qorshahaasi ku dhaqaaqdo Madaxtooyada ayaa laga cabsi qabaa in khilaafka uu sii xoogeysto.

Warar la ogaaday ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booska Colnel Xasan Nuur Shuute ku badelayo Korneyl beel ahaan ay is xigaan.

Madaxda is-heysata ayaa waxay u muuqdaan kuwa ku loolamayo hey’adaha amniga dalka iyo ciidamada qalabka sida. Haddii jawiga siyaasadda uu sidaan usii qasnaado, waxaa walaac badan laga qabaa nabad-gelyada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in khilaafka hadda jiro uu isu rogo gacan ka hadal.

Caawa waxaa aad looga dareemayaa arintaas oo baraha bulshada galabta lasoo geliyey iyadoo Agaasimaha NISA ee Rooble uu magacaabay Bashiir Goobe uu galabta magacaabay Taliyaha Cusub Ee NISA Gobolka Banaadir kaas oo noqonaya Gaashaanle Muxuyadiin Warbac.

Shuute hadii xilka laga xayuubiyo waxaa ay sidaas noqon doontaa,Labo Agaasime NISA,Labo Gudoomiye Maxkamada ciidamada Qalabka Sida iyo Labo Taliye NISA gobolka banaadir yeelato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here