Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxwayne Hassan sheeq Maxamuud ayaa la halgamaysa hanaan cusub oo looga gudbo caqabadihii kadhashay talaabooyinkii gooni goosadka dowladdii hore, waxayna wataa isku dayo lagu saxayo khaladaadkii ay reebtay Muranka doorashada & Macangagnimadii Madaxwaynihii hore.

Halgankaas waxaa Barbar socda hagardaamada haraadigii dowladdii hore iyo baas abuurka afhayeenada qarsoon ee u adeega hogaankii hore kuna dhuunta magaca Wariye & Falanqeeye, waxay aad udhibsadaan hal hayska ah ” soomaali heshiis ah” waxayna aad ugu dedaalayaan fashilinta, iskudirka & buunbuuninta dhibaatada, hogaankii hore ee fashilmay ayaa ah kuwa aad ugu xeeldheer adeegsiga dhalinyarada Afmaalka ah ee kudhuunta magaca warbaahinta & gudaha qaybaha kale ee bulshada, kooxahaan abaabulan ayaa kushaqeeya rumuudka ay gacanta kuhayaan madaxda hogaankii hore ee fashilmay.

Sida kaliya ee loo xaqiijin karo hanaaka hogaanka dowladda cusub ayaa ah waxqabad & wacyi galin wada socda si hoos loogu dhigo barabagaandada kooxda ku shaqaysa Rumuudka hogaanka la.aamusan hagardaamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here