Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo warbaahinta u qabtay shirjaraaiid ayaa soo hadal qaaday labo xero oo ay iibisay Dowlad-Goboleedka Puntland kuwaas oo ay lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka.

Guutaale ayaa sheegay in lacag ku dhaw 20 Milyan oo doollar in Dowlad-Goboleedka Puntland ku iibisay labada Xero ee kala ah ‘Kabida iyo Siinaay’ kuna dartay Mashruuca dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Advertisement

“Labo Xero oo kamid ah xeryaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo mid la yiraahdo Kabida midna la yiraahdo Siinaay ay Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed iibisay ka bixisay lacag ku dhow 20 Milyan, lacagtaas oo caddaanka ah lagu daray mashruuca dhismaha Dekedda Garacad” ayuu yiri Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale.

Hantidhowraha Qaranka ayaa shaaciyay in mar haddii hanti guud la wada leeyahay lagu daray Dekedda Garacad in guud ahaan ahaan lawada leeyahay maadaama asalka lacagta lagu kabay mashruucaas uu ka yimid xeryaha la iibiyay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Ganacsi weliba oo gaar loo leeyahay oo asalka maalgelintiisa ay qayb ka tahay hanti ma guurta ah oo Dowladdu ay leedahay ama lagu daray Dakhli ama lacag caddaan ah oo kasoo baxday hanti qaran oo la iibiyay ama la kireeyay sida Dekedda Garacad oo asalka maalgelinteeda uu qayb ka yahay dakhli kasoo baxay xeryo kamid ah kuwii ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Mudug sida Xeryaha Kabida & Siinaay, dakhligaas waa dakhli guud oo ay wada leeyihiin Dadka Soomaaliyeed maadaama xeryahaas ay kamid yihiin hantida Dowladda kahor qaadashada federaalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Hantidhowraha guud ee Qaranka.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xoogga saartay dhismaha Mashruuca lagu dhisayo Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug, Madaxda Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in dhaqaale badan la geliyay si loosoo gabagabeeyo mashruucaan.

Previous articleMagaalada Wabxo oo laga soo saaray Miinooyin lagu aasay
Next articleAGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA QARANKA OO MAANTA XILKA LA WAREEGAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here