MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adda Tayo-dhowrka ee Dowlada Soomaaliya ayaa  mar kale waxay maanta gacanta ku dhigtay bur qoyan oo ah waqtigiisu dhacsan yahay.

Burka maanta la qabtay oo kunteenaro ku jiray ayaa qorshuhu ahaa in loo iibgeeyo suuqyada Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Hay’adaha ayaa mar kasta waxay ku cel-celiyaan in burka nuucaan ah uu halisna ku yahay nolosha iyo deegaanka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii bakhaar ku yaal suuq-bacaad oo Muqdisho ka tirsan ay isla Hay’adaani ku qabatay bur dhacay oo jawaanada laga badalaayay si shacabka looga iibiyo.
Hay’adda Tayo-dhowrka Somalia bilihii ugu dambeeyay waxay xoojisay baaritaannada joogtada ee Dekedaha, Garoomada iyo bar-xuduudaha dalka  si loo xaqiijiyo in badeecadaha dalka soo galaya uu yahay mid tayo ahaan nadiif ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and timber yardMay be an image of 2 peopleMay be an image of timber yardNo photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here