Jabuuti, May 15,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo uga mahadceliyay booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jabuuti, waxaana uu Madaxweyne Geelle bogaadiyay guulaha waaweyn ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in shuruuc muhiim u ah geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tilmaamay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dalka.

DHAMMAAD
May be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 2 people, beard and suitMay be an image of textMay be an image of textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here