Waxaa sidii caadiga ahayd sii korsdhaya tirada shaqaalaha Dowlada Somalia ee u sii baxsanaya dalalka Yurub iyo Ameerika si ay uga helaan nolol dhaanta tan dalka ay ku heysteen.

Shaqaalahaan  waxay ka  kala tirsan yihiin Hay’adaha Dowlada sida xukuumada,Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa ka howl-gala Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Advertisement

Sanadkii ugu danbeeyay waxaa la hadal hayaa tiradii ugu badneyn shaqaale Dowladeed oo ka faa’iideystay shaqooyin Dowladu u dirtay kuwaasoo dib danbe aan dalka ugu soo laaban.

Sababta ugu weyn ee keeneysa masuul Dowlada u shaqeeya ee Mushaarna qaadanaya hadana inuu dalkiisa ka cararo waxaa la leeyahay hal qodob baa u weyn inkastoo kuwa kale oo ka badana ay jiraan.

Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in qofka shaqaalaha Dowladeed ah uu aaminsan yahay inuusan xilkaan sii joogeyn sidaas daraadeed ayuu ku fekerayaa intaad joogto xilka ka daneyso dalka oo dhan si dalalkaasi shisheeye uu ugu noolaado oo xitaa ma sugi karo inta xilka uu ka weynayo.

Dhanka kale Masuuliyiinta Dowlada kuma baraarugsana inay go’aamo adag ka soo saaraan kuwa talaabooyinka nuucaas ah qaadaya taasoo sharaf dhac ah dalka iyo dadkeena.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here