Heshiis kama dambeys ah oo laga gaarey xiisad ka taagneyd deegaano Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobjoog ka noqdey heshiis beelo Ku diriray Deegaano Hoostaga Maxaas ay wada gaareen kaasi oo u qornaa sida tan .

1- qofkii qof dila in ladilo
2- haddii uu fakado danbiile waxaa laxirayaa aabihiis,hooyadiis,adeeryaalkiis iyo walaalihiis waxaana la moora-duugi doonaa xoolahooda iyo xoolihiisa
3- qofkii ukaalmeeya danbiile wuxuu mudan doonaa :-
A- xabsi dheere
B- in laga qaado wixii ku baxay hawl galkaas
4- waxaa kamamnuuc ah deegaamadaan wax qori ah
5 – qofkii lagu arko qori waxaa lagu amrayaa in uu dhigo qoriga, haddii uu ku dagaalamo waa lagu dili doonaa isla goobta wax diyo ah lagama bixin doono.
6- qorigii gacanta ciidanka galaa celis malahan
7- been iyo borobagaando ama isku dir qofkii lagu helo wuxuu muteesan doonaa:-
A- xabsi
B- ganaax
8- tuug ama dhac wuxuu mutaysandoonaa:-
A- waxaa laga magayaa xoolihii
B- xabsi
C- ganaax dhan xoolihii uu xaday qiimaheeda

Sidoo kale odayaasha labada beel ee heshiiskan gaaray oo kala ah Xawaadle-Cali Madaxweyne iyo Ceyr-Habar’Eji ayaa isla go’aamiyay in dhulka u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan uu noqdo mid ka caagan hub aan aheyn kan ciidanka dowlada , hadii lagu arko aagaasi hub waxaa Ciidamada amniga lagu go’aamiyay in ay la wareegaan hubkaasi oo cidii Ku dagaalantana lagu dilo .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here