Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Sayid Ali Hosseini Khamenei ayaa maanta sheegay in cadawga Iraan ay wadaan kacdoono ay ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan dowladda Islaamiga ah.

“Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabaan in ay dharbaaxo ku dhuftaan dalka Iraan waxay ku salaysan tahay hurinta mudaaharaadyada … Laakiin xisaabta cadawgu way ka khaldantahay sidii kuwii hore oo kale,” ayuu Khamenei ku yidhi khudbad uu telefishanka ka jeediyay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa Iraan iyo Israa’iil, sidoo kalena ay taagan tahay xiisadda ku xeeran heshiiska Iraan.

.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here