Hormuud Telecom oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo la siiyo shahaadada caalamiga ee Taya-Wanaagga (ISO CERTIFICATION)

 

Hormuud Telecom oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo la siiyo shahaadada caalamiga ee Taya-Wanaagga (ISO CERTIFICATION)

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda Hormuud ayaa lagu soo dhaxeeya in shirkadda ay noqotay tii ugu horeeysay ee soomaali ah oo la siiyo shahaadada caalamiga ah ee Tayo Wanaagga (ISO CERTIFICATION).

Maamulka sare ee Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in ay farxad u tahay in ay la wadaagaan macaamiisha, saamilleyda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaadada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO 9001:2015.

Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjumaya in adeegyada shirkadda, sida: Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka, EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaamiisha, iyo hab-maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ah ee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan.

Shirkadda Hormuud oo kamida Shirkadaha ugu horeeya Dhanka isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxa ay Muddadii ay jirtay waxa ay shaqo u abuurtay in ka badan 35 kun guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064