R-wasaare Rooble ayaa caawa la soo baxay Falsafad Nabad-doonimo oo malaha u qarsoonayd, kadib markii uu maanta ku guulaystay inuu heshiis lagaaro midawga musharixiinta, Isla markaana uu Muqdisho ka bad baadiyay is kahor imaadyo dhiig ku daata.

kulankii uu laqaatay Rooble maanta musharixiinta waxaa cadaatay inuu markan Rooble u istaagay in dalkan ay ka dhacdo doorasho xalaal ah sida uu isguba sheegay gabagabadii wadahadalada.

Xubnihii midawga musharixiinta ee maanta kahadlay madasha gabagabada kulanka ayaa dhamaantood amaanay dadaalka uu rooble bixiyay balse waxay sheegeen inay sugayaan inuu fuliyo waxay ku heshiiyeen labada dhinac.

Musharxiinta waxay is hayaan madaxwenaha waqtigiis dhamaaday waxayna horey usheegeen inuu doonayo farmaajo doorashada inuu kushubto, taasoo dhalisay muranka maanta taagan.

Hadaba maku guulaysan doona ROOBLE in isaga iyo xukuumadiisu ay ku qan ciyaan in Farnaajo uu ogolaado doorasho xalaal ah?

Dadka odorasa siyaasada waxay hada arkaan in Rooble haysto fursad dahabi ah oo uu dalka kaga badbaadin karo dagaal sokeeye iyo xukun kaligii talis ah.

Hadii midaas ay hirgasho Rooble wuxuu noqon doona Muwaadin dalkiisa taariikh wanaagsan kaga taga.

Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa soo dhaweesay isla caawa heshiiskii ay wada gaareen dowladda iyo midowga musharixiinta.

hadaba maxaa talo ah oo aad siin lahaydeen R-Wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here