Ugaandha iyo Masar ayaa gaarey Laxiriira dhinaca Sirdoonada iyo iskaashiga Dhinaca Militeriga ee Labada Dal.

Heshiiska ayaa fududeyn doona isdhaafsiga sirdoonka ee u dhexeeya hay’adaha amniga halista caalamiga ah sida argagixisada.

Wararka Qaar ayaa waxaa ay muujineyaan in hadda Masar ay dooneyso in Dalalka Afrika ee Itoobiya laga yaabo in ay Xiriir dhaw la leeyihiin ay ka soo jiidato,

Si hadii uu yimaado Dagaal labada dhinac waa Itoobiya iyo Masar aaney Ururka Midowga Afrika dhexdiisa Masar aaney Looga hadkaan.

Waxaa jirey jirey in Daljiraha Dowladda Itoobiya u jooga Dalka Ugaandha iyo Wasiirka Difaaca Ugaandha ay Kulan Muhim ah ay Ku qaateen Magaalada Kambaala ee Xaruunta Wadanka Ugaandha Todobaadkaan Gudihiisa.

Wadamada Itoobiya iyo Masar oo kamid ah Dalalka ugu Dadka badan Qaarada Afrika ayaa hadda ku loolameya Taageerada Wadamada kuyaala Qaarada iyada oo ay Soo ifbaxayaan wax u muuqada Dagaal dhexmara Addis Ababa iyo Qaahira.

Markii la eego Siyaasada ee Gobalka waxaa jirara Wadamo Durbaba muujineya Cida ay u hiilineyaan hadii Dagaal lama huraan uu noqdo waxaana Wadamadaasi kamid ah Suudaan oo si cad u garab taagan Masar iyo Ereteriya oo iyana Garabtaagan Dalkii ay Beri kamid ahaanjirtey ee Toobiya.

Asalka Xiisada Wadamada Masar iyo Itoobiya ayaa ah Biya Xireenka ay Itoobiya aka sameyneyso Webiga Nile oo ka soobaxa Wadanka Itoobiya kaas oo ay Xukuumadda Addis Ababa ay dooneyso in ay Shacabkeeda kaga faaideyso dhinaca Korontada iyo Masar oo Shacabkeeda in kabadan 80% ay Ku tiirsanyihiin Biyaha Webiga Nile.

Wadahaladii ugu dambeeyey oo ka socineyey Jamhuuriyada Kongo ayaana Arbaacadii Fashil ki soo dhamaadey iyada Hugaamiyaha Masar C/Fitaax Siisina uu ku hanjabey in hadii Itoobiya ay qaato Talaabo ay Ku buuxineyso Biya Xireekeeda aaney Gobalka Nabad lagu wadajoogi doonin.

Markii uu Fashil ku soo cidlaadey Shirkii ugu dambeeyey ee Kongo waxaa Durbaba Eedeymo aad u qaraar isu jeediyey Wasaaradaha Arimaha Dibada Suudaan iyo IToobiya, kuwaas oo midba kan kale uu Ku eedeyey Fashilkii Shirkii Kongo.

Lamaba oga waxaa ay Ku dambeyndonto Xaalada Murugeysan ee u dhexeeysa Masar, Suudan iyo Itoobiya Lkn waxaa marag matoonta ah hadii inta Dagaal uu dhaco Masar iyo Suudaan ay Duulaan ku qaadaan Itoobiya in Dunida Reer Galbeedka iyo Mareykanka aaney aaney waadan doonin Itoobiya ay Garaacayaan Dalal Carbeed Gar iyo Gardara intuba.

By C/wahaab Aadan C/raxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here