Janaraal Yuusuf Maxamed Indhocadde oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka digay in 12 April oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka laga dhigo 21 October oo ah maalintii uu dalka Af-gambi ku qabsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Indhocadde oo ka hadlayay munaasabad lagu garab istaagay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa carrabka ku dhuftay in ay garabt istaagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha.

12 April waa maalin Qaran, waa maalinteynii, maalin ay dadkaan ay ka baqayaan ma’ahan, waa maalintooda, Laakiin dadkaan waxa ay ka hadlayaan Qodaxda la hoos dhigayo oo dadka mudeyso iyo Abeesada ay Villa Soomaaliya hoos daadineyso oo ay rabto 21 October in ay u badasho 12 April”  ayuu yiri Janeral Indhocadde.

Janaraal Indhocadde ayaa Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u sheegay in uusan Ciidanka Xoogga ku tixin garaadooyinka, asiga oo yiri “Wiilashaan dadkooda laayimaayaan, guryaha ayagaa leh, waa walaalahooda, xoogaa yar wey kaa qaadanayaan, garaadaha waa kaa qaadanayaan, waana iskaa dhicinayaan.”

Farmaajo haddii uu Nin Soomaali yahay oo Madaxweyna Qaran yahay, Madaxweyne Soomaali yahay 16-ka kursi ee Gado kuma dhageyn.”  Ayuu yiri Janaraal Indhocadde.

Hadalka Indhocacadde ayaa ku soo beegmaya Xilli Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu tuhmayo in uu qorsheenayo 12 April oo ku beegan maalinta Ciidanka Xoogga la aasaasay in uu u badalo 21 October oo ku beegan maalintii uu dalka Af-gambi ku qabsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhammaaday 8 Febraayo 2021-kii ayaa isku day Afgami oo fashilmay uu ku qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Xukuumadda 27 December 2021. Sida uu RW Rooble uu ka dhawaajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here