Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaa karo Geerida Jen Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegeysa in allaha u naxariistee Xalay Saqdii dhexe Noolaa Jen isagoona sida la sheegay ku sugnaa Dabaqa Sadaxaad

Weerarka ay Fuliyeen ayaa u dhacay gaari walxa Qarxa laga soo Buuxiyey lagu dhuftay Dhabarka Danbe Hoteel halkaan Sedax ka Tirsan Alshabaab gudaha soo galeen waxaa halkaa looga Dilay alshabaab Hal Qof halkaan labadii kale ku carareen Gudaha Qolalka waxayna halkaa ku dileen Masuulka dhanka Amniga u qaabilsan Hoteelka oo lagu magacaabo Bariye halkaan waxaa ka dhacay Dagaal Toos ah oo u dhaxeeyo Ilaalada Hoteelka iyo Xoogagii Alshabaab

Wax yar ka dib waxaa Yimid Ciidamada Haramcad kuwaas oo ilaa dhowr saac Dagaal waday kuna Guuleysan waayey in ay soo afjaraan Dagaalka

Ka dib waxaa Yimid Ciidamada Gaashaamo ay Dowlada Mareykanka tababareen kuwaa oo Dagaal la galay Labadii Alshabaabka ahaa ee ku jiray Hoteelka

Markii ay Saqdii dhaxa aheyd ayaa qeybta Danbe Hoteelka ee xarunta u ah Sahal ka soo bilaawday Qorayga loo yaqaano Dhashiikaha kaa oo sida la sheegay Dhabarka ka haleelay Jen Maxames Nuur Galaal halkaan ku ruux baxay

Jen ayaa la aaminsan yahay in ay Dileen Ciidamada Dowlada madaama Alshabaabka heysan Qoriga Dhashiikaha

War bixintaan waxaan ka helnay masuuliyiin ku sugan Hoteelka oo Goob joog u ahaa Qaraxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here