MUQDISHO B(DAYNIILE.COM)-Jeneraal Maadeey  Sheekh Nuur  oo ah Taliye xigeenka ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladu diyaarisay ciidamadii soo afjari lahaa howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sarkaa;kaan wuxuu xusay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay hore guulo uga gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Advertisement

Bisha hada dhalatay ee June ayuu shaaciyay Jeneraal Maadeey inay gabi ahaanba dalka ka saari doonaan kooxda alshabaab.

“ciidamada waxay ku diyaarsan yihiin aagagii loogu talo galay kalya waxay sugayaan amarka lagu siinayo inay xabada bilaabaan”ayuu yiri Jeneraal Maadeey

“Alshabaab iyo inagu bishan June islama dhaafi doono”ayuu mar kale yiri Jen. Maadeey oo ula jeeda inay bisha June soo afjarayaan alshabaab isagoona

Hadalka Taliyaha wuxuu ku soo aadaya xili Dowladu dhawaan rabto inay bilowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here