#HOP67

waxaan xalay ka soo noqday safar shaqo oo 3 cesho aan ku joogay Galmudug gaar ahaan magaalada dhuusamareeb,waxaan usoo noqday:-
1. in aan warbixin kasiiyo waxgaradka beesha aan ku meteli lahaa inshlh Kursiga # 67 natiijada kulamo aan lasoo yeeshay Ra’salwasaare Roble oo aan wafdigiisa ka mid ahaa,Gudiga doorashada ee heer Galmudug, kan heer federaal iyo sidoo kale waxyaabihii aan kusoo arkay Dhuusamareeb iyo boobka uu damacsanyahay ninka madaxda u ah maamulka heysta Galmudug,warbixintaas ka dibna waxaan latashiya lasameyn doonaa inshlh waxgaradka bulshada iska leh kursigaas.

2. Dhinaca kale anagoo ogsoon in ergadi dooran laheyd kurisigaan #67 iyo odayaashi xuli lahaaba ay joogaan magaalada muqdisho ayaan sidoo kale uga soo noqday dhuusamareeb sidii musharaxiinta kale ee kursiga igula tartameysa aan uga talagelin lahaa qaabkii looga qaadi lahaa Ergada magaalada Muqdisho loona geyn lahaa Dhuusamareeb oo ah halka loo asteeyay in kursiga lagu doorto.

3. Waxaan maalmaha soosocda qaban doonaa shir jaraa’id oo ku sababsan cadeynta iyo ka digidda qorshayaalka guracan ee lala damacsanyahay boobida #HOP67 iyo kuraasta kale ee beelweynta Waceyle kadib markii ay iisoo dhamaadaan latashiyadaas iyo warbixinadaas aan la waadaagayo Beesha Degmooyinka Ceeldheer, Galcad & Xarardheere oo iyagu iska leh metelaada kuraasta laboobi doono.

4. Sidoo kale waxaan ka hadli doonaa inshlh habdhaqanka mooryaanimada ah ee aan kusoo arkay madaxa maamulka Galmudug iyo guud ahaan aragtida ku sabasan halaaga iyo habaawga laga dhaxli doono boobka lala damacsanyahay guud ahaan doorashada xildhibaanada BFS,taas oo sababi karta in aan doorashaba dhicin oo fowdo iyo dagaal sokeeye loo jiheysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here