Jidka Maka Al-Mukarama oo muddo la xiray & gaari qarax looga shakiyey oo.. (Sawirro)

0

Wadada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa goor dhow oo caawa ah la xiray muddo kooban ka dib shil shaki badan dhaliyey oo ka dhacay.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay gaari kale oo ay wateen ciidamada Booliska DF oo marayey isgoyska mashquulka badan ee Dabka.

Darawalka watay gaariga nooca raaxada ah ayaa markii uu ku dhacay gaariga Booliska si halhaleel ah uga degay gaariga ka dibna baxsaday taasoo loo fasirtay in gaariga uu ka cararay ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay wadada ka xireen afarta dhinac, iyagoo ka cabsi qabay in gaarigan uu halkaas ku qarxo, hase ahaatee baaritaan ka dib ciidamada ayaa xaqiijiyey in gaarigaas uusan sidin qarax, waxaana la ogaaday in darawalka cararay uu ka baqay in dhibaato loo geysto, maadaama uu ku dhacay gaari ciidan.

Isgoyska Dabka ee wadada Maka Al Mukarama oo muddo kooban khal khal iyo kala carar xooggan uu ka jiray ayaa markii dambe dib loo furay, iyadoo xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili magaalada Muqdisho ay ka jirto maalmahan cabsi xoogan ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen qaraxyada ka dhaca magaalada oo qaarkood dad badan dilay, kuwo kalena dhaawacay

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here