Advertisement

 

Kabtankii hore ee kooxda Liverpool FC, Jordan Henderson ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Ettifaq ee ka dhisan dalka Sacuudi Carabiya.

Kabtan Jordan Henderson wuxuu heshiis seddex sano ah u saxiixay kooxda Ettifaq, waxaana kooxda ku soo dhaweeyay kabtankii hore ee kooxda Liverpool, Steven Gerrard, haddana ah tababaraha cusub ee Ettifaq.

Kabtan Jordan Henderson, wuxuu kooxda Liverpool la joogay 12 sano, wuxuu ka soo muuqday 492 kulan, wuxuu dhaliyay 33 gool, sidoo kale wuxuu sameeyay 61 caawin, wuxuuna kooxda kula guuleystay 8 koob.

Tababare Gerrard saxiixiisii ugu horreeyay wuxuu noqday kabtan Jordan Henderson.

Previous articleWaa tuma fanaanadii soo islaantay abaalkana u gashay Soomaalida ee shalay geeriyootay Sinead waxay iibisay gurigeeda si loogu caawiyo Soomaalida
Next articleMusuq ka weyn ma jira in Xisaab xir la horkeeni waayo Baarlamaanka Dalka Xasanoow dalka sidaa kuma sii wadi kartid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here