Xilli la filayo dhawaan in lasameeyo isku shaandheyn golaha Wasiirada Jubbaland ayaa hadana guux uu ka jiraa madaxtooyada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka Jubbaland.

Xubno ka shaqeeya Madaxtooyadaasi ayaa xaqiijiyey in dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa isbadel kusameyn doona Golah Wasiirada.

Xogta ay shabakadda dayniile heshay ayaa sheegeysa in Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Maxamed Cabdi Oogle uu ka carooday in laga badelo wasaarada uu ku magacaaban yahay.

Sida wararka aan ku ogaanay Wasiirka ayaa deg deg ugu safray Dalka Kenya caasimada Nairobi isagoo sheegay inuusan ku qanacsaneyn Wasaarada Arrimaha Gudaha oo la sheegay in loo badeli doono.

Jagadii uu ka dhintay bilo ka hor Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Oogle loo badeli doonaa sida la filayo balse isaga uu ka biyo diiday.

Dhanka kale mashquul badan ayaa ka jira Hoteelada Kismaayo iyadoo siyaasiyiin dhowr ah kuwaas oo xil ka raadsaday Golaha Wasiirada Jubbaland ee isbadelka lagu sameenayo.

Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha uu saameynta ku yeeshay Dawladda federaalka iyadoo Wasiiro katirsanaa Maamulka Jubbaland ay xildhibaano noqdeen sidaasna ay uga baxeen Jubbaland State.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here