Afartii bishaan janaayo ayaa kooxda Al Shabaab waxay beegsadeen degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan,oo ay qaraxyo ismiidaamin ah ku weerareen guriga gudoomiyaha degmada & guri uu halkaasi ka degganaa Xildhibaan Jacfar.

Kudhawaad 20 qof oo ubadnaa shacab ayaa ku le’day qaraxyadaasi ka dhacay degmada maxaas ee dhacda Bariga Gobolka Hiiraan,iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay ku guuleysteen howlgal daba gal ah oo ay sameeyeen in lasoo xiro saraakiil la tuhmay inay ka dambeeyeen weerarkaasi isbuucii hore dhacay.

Lix qof oo hadda loo hayo kiiska weerarkaasi iyo inay al shabaab ufududeeyeen kooxda al shabaab ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Beled weyne oo loo soo gudbiyey markii laga soo xiray Maxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here