Diyaaradaha dagaalka Dowlada Kenya oo qeyb ka ah Atmis ayaa wali wada duqeymaha ay ka fulinayaan Gobolka Geddo xili bartilmaameedkoodu yahay Alshabaab balse intooda badan meelo qaldan ayay duqeeyaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xalay mar kale ay duqeeyeen deegaano ay mid yihiin Khadiijo Xaaji, Faxfax-dhuun iyo Ceelcadde oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sida aan ka soo xiganay Idaacada Shabelle.
Duqeymahaan lama soo warin inuu geystay khasaare nafeed waxaase jirta in bartilmaameedyada qaar ay ku dhaceen dad reer miyi ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen walow aaney jirin khasaare la ogyahay.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay heystaan deegaano hoos taga degmada Ceel-waaq waana sababta keenyay in Ciidamada Kenya maalmahaan danbe kordhiyeen duqeymaha ay ku raadinayaan Dagaalamayaasa Alshabaab.
Ma jirto wax war ah oo Kenya Dowlada Soomaaliya,Alshabab ama xitaa maamulka Jubaland oo war ka soo saaray duqeymahaan is xig xiga ee ay wadaan diyaaradaha kenya.
XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM