Khilaafkaan oo salka ku haaya dib u dhiska suuqii gubtay ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Xukuumadda Somalaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dowladda hoose ee magaalada Hargeysa.

labada dhinac ayaa Warbaahinta isku weydaarsaday haddalo kale duwan, kuwaas oo xaqiijiyey jiritaanka khilafkaas u dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Deegaanka Hargeysa xilli howlo nadaafadeed ay ka socdaan Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Khilaafka ayaa intiisa badan salka ku haayao arrimo la xirira in Xukuumadda Somaliland maamusho dib u dhiska Suuqa Waaheen, halka dowladda Hoose ee Hargeysa ay iyana dooneyso in looga dambeeyo oo Shaqadoodu tahay,isla markaana aanay meel ka soo gellin Madaxtooyada .

Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland ayaa sheegay in nashqadaynta iyo dib u dhiska suuqa Waaheen ay iyagu leeyihiin,isla markaana qandaraaska ay u gudbin doonnaan guddida qandaraasyadda , taasi oo ka careeysiisay dowladda hoose ee Magaalada Hargeysa.

“ Shaqadan  shaqo Xukuumaddu qabanayso maaha, shaqo ay Dawladda hoose qabanayso maaha ,shaqada cidda qabanaysaa nidaam ayey maraysaa ,markay nashqadeeda samayso Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeyntu waxa lagu soo wareejin doonaa Guddida qandaraasyada qaran , iyadaa waajibaad keeda sharci ka gudan doonta…”ayuu yiri Cabdilaahi Abakor.

Dhanka kale Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa ayaa qoraal ay arrintan ka soo saartay iyana ku sheegtay in marka la dhammeeyo nadiifinta Suuqa gubtay ee Waaheen inay bilaabayso dhismihiisa.

Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku baaba’ay hanta gaareysa ilaa 2 Bilyan oo Dollar, waxaana hadda Suuqa ka socda howlo nadaafadeed oo ay wadaan dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here